laba waayo badan
talo iyo tacab wadaagtoo
wacad iyo balamo adag
waqti badan ilaashaday
hadii ay is waayaan
war xumaale nacaboo
walwalkooda raba iyo
xaasid wiiqayaa jira

waqtiga is badalayan libin
libin waxaad ku gaadha libin
wadartii is raacdee
wanaagooda uun jecel

aduun waayo badanaa
subax waliba waa cayn
wareegtada taariikhduna
wacadbay sidaane

ishu waa macalinoo
ogaal weeyi garashaloo
walaalnimo yaqaanoo
waayo hiilka kuu sida

Exit mobile version