mawjado jacaylbaan
dhex muquurayaayoo
maayada kalgacalbaa
midigta igu qaado
sida la igu maran yahay
ama la iigu mudn yahay
ma miisaami karayee
markaan aamus maagee
maqalkiyo afkaba xidho
saw iguma maaxdoo
kacoo meeyay iguma dhaho
midka anigu aan rabo
qalbigana u meel dayay
isaguna ma moogee
ogooow way igu maqan yahay

mawjada jacaylbaa
miranaaya laabtoo
ma huraan naftaydaa
hawl igu mareegtee
waxaan maanka ku hayaa
ama aan maleeyaa
waxa meel fog joogee
markaan aamus maage
maqalkiyo afkaba xidho
saw iguma maaxdoo
kacoo meeyay ima dhaho
midka anigu aan rabo
qalbigana u meel dayay
isaguna ma moogee
ogooow way igu maqan yahay

Exit mobile version