Sida mayeyga roobkoo
Maansheeyey dunidoo
Miyi iyo magaalaba
Dhirtii ay magooshoo
Ubuxuna markuu
Muunad gaara leeyahay
Muhashada sidoodii
Muuqaagu inanyahow
Marka aan mililico
Muda dheerba indhahaa
Kugu sii maqnaadee
Nafta waad ku mudantahee
Adiguna ha moogan

Sida maalin ciideed
Muslimiinta oo idol
Meelkastaba ay jogaan
Muxubada kalgacalka leh
Farxad la islamariyiyo
Dhamaan wada maqsuudaan
Muuqaagu inanyahow
Marka aan miliilico
Muda dheerba indhahaa
Kugu sii maqnaadee
Nafta waad ku mudantee
Adiguna ha moogaan

Exit mobile version