caashaqu haduu nuuriyo
nasiib maruun leeyahay
adigaan ku naawilay
kugu nayaayiray

nalkii aduunkiyo
noloshii ifkoo
naftani kaligaa ku jecel
macaan naxariis dareen

nabadiyo jacaylkana
nitaaqada ka dhawroo
naruuro waad heli
niyad sami ku noolow

wanaaga naftaada far
niyadana khayr u sheeg
nasriga eebaa hayee
xiisuhu ku nagaa is fahan

nimcadii aduunkiyo
nasab kaamilaad tahay
ha igu noqon ruux abid
naxli igu beera

Exit mobile version