in jacayl run iga yahay
raali kaa ahay
waa waxaan ragoo ildil
kaaga raacay adigee

ii roonid anigoo
RABAAN mahadinaayaa
reer dhaqashadeenee

sida ramad qabawoo
reexaan udgoonbay
naftu kuu riyaaqdaa

inaan rabo ag joogaago
nolol raaxadeed tahay
waa waxa runtii aan
kuugu raacay dookhee

riyo ii romowdiyo
rajadiyo wanaagaan
ku raystaybaad tahee

Exit mobile version