Halkaad igaga ladhanahay
Ayaan nugul ka beertaa
Nacab baan ka qariyaa
Nasteexana u sheegtaa

2x

Naaskii aan nuugiyo
Nimcadaan ku koray baan
Naxariis dareemaa

2x

Hooyo nuura
Adaa nuur ku saaranye
Waligaaba nuur

2x

Ala wuxu na leeyahay
Qofkii waalidkii nuda
Ee ka jara naruurada
Caasi naarta buu gali

2x

Dhabtaad igu nagaysiyo
Dhabarkaan ku nabad galay
Necaw baan xasuustaa

2x

Hooyo nuura
Adaa nuur ku saaranye
Waligaaba nuur

2x

Exit mobile version