dareenkayga caashaqu
inanyahaw daraadaa
aduu kuu duluubee

inadhahaygu daymada
kolna kaama daalaan
way kugu il doogsadan

macaan ha igu diganine
u soo dabac naftaydoo
daadihi jacaylkoo

dookhii jacaylkoo
dugsadaa wadnaha oo
dawo ii ahaayoo
duhur iyo habeen
daacad kuu ahoo
daryeel kaaga baahan

Exit mobile version