Anoon waaya arag noqon
Weberkaan jeclaadee
Waadiyada kalgacal kaleh
Shalay iga waraabshoo

Maankoon ka waashiyo
Anoo wehel maddoontii
La iwalwaalay mooyee
Weligeey intaan jiroo
Kaa weecan maayoo
Inaan kugu wacad furoo
Waa waxaan dhacayneee

Adna taa wax garadoo
Waqaa laabta geliyoo
Ka weydee jacaylkee
Nafta weheshigeedoo
Waaxdaada noolee
Kana dhowr waxyeelada

Anoon waaya arag noqon
Wiilkaan ka helayee
Webiyada cishqiga sida
Samo iga waraabshoow

Dadnimadii wacneediyoo
Wanaagaad u dhalataa
Kasha weli kudheeroo
Waagii dillaacaba
Jeeraan war kaa heloo
Wadnahayga inanyahow
Werwer baa ka ooganee

Adna taa wax garadoo
Waqaa laabta geliyoo
Ka weydee jacaylkee
Nafta weheshigeedoo
Waaxdaada noolee
Kana dhowr waxyeelada

Exit mobile version