Imisaan digniin iyo
Soo diray fariimo
Daji lahaa falaytka
bayloodkii sidayaaye

Imisaan daryeeliyo
Samir daadaheeyoo
Jacaylkayga duuga
Dusha iiga kaa raraye

Adna doonistaada
Daalkiyo dhibaatada
U dul qaatay waayoo
Adigoon dareemayn
U dan seegay awgaa

Imisaa daciif iyo
Doqon la igu timaamay
Nacab dirediraale ah
Ka difaacay caashaqa

Imisaan dadaaliyo
Daacad kuu waramayoo
Dakhatkiyo dhibaatada
Ha igu daawan aan idhi

Exit mobile version