Dhulka laguma waaree
Waxa la isu dhaafaa
Aadmigu is dheeryay
Dhaqankaa u waynoo
Farxad laga dhaxlaa badan

Adna dhalashadaadaa
Dhamaan loo riyaaqoo
Waxa dhinaca yaalaa
Waa hidayo dhiirigalinoo
Dhamaw laguu hibeeyee
To you happy birthday to you

Mustafaw dharaar qudha
Wax ku dhiba adoon arag
Sanad waliba dheehiyo
Dhalaalun ka sii qaad

Dhoobo laga sameeyoo
Isma dhaamo uunkii
Dhalintaa filkaaya
Ka dhex muqo abidoo
U bilnow dhamaantoo

Ogow dhalashadaada
Nooga dhigan mid dahaboo
Waxa dhinaca yaalaa waa
Hadiyado dhiiri galinoo
Dhamaw laguu hibeeyee
To you happy birthday to you

Exit mobile version