Diryam ooho diryam
Diryam dooxada ka yeel
Diryam oo diririglee
Diryam waligaa ha dumin

Durbaan dadku waa madaw
Durbaan hidahaaga doon
Durbaan dumarkiyo ragaba
Durbaan daawaad u tahay

Diryam ooho diryam
Diryam dooxada ka yeel
Diryam oo diririglee
Diryam duul maqan u yeedh

Durbaan waa doog dhulkii
Durbaan wabiyaa durduray
Durbaan cirku waa daruur
Durbaan waa deeq ALLEE
Durbaan waligaa ha dumin

Durbaan maalkii dareer
Durbaan dhashay duunyadi
Durbaan dalagu wuu buxaa
Durbaan danta noo horseedee
Durbaan waligaa ha damin

Exit mobile version