diidayaa markii hore
sidaan kaaga daba dhacay
doorsoomay dhamaantay
dadku ila yaabee
goortii aan ku doonay
duligaad i sartiyo
danbigaad i galisayoo
wali dayntii maanan gudin
iga dagee jacaylkuye
aduu kugu danbeeyaa
ha u dhiman daraaday
jacaylkii i duur gali
dooxadan isoo dhigayoo
daadkiibaa kusoo galaa
la dabaalo adiguna
ama ergo soo diro
ama igu dacweesoo
doodiishaana geeyoo
ana waan ku diidee
digfer aawadaadaan
daawo uga doontaye
digtorkii wuxuu yidhi
jacay deeqa daawo male

Exit mobile version