inanyahoow tabaaliyo
taariikh is qarashiyo
tashi wuu dhamaadee
nabsi waa tamootiye
waa intuu ku taabee
haku qaadin tuurtee
taawilo ma sheegteen
tii aad i marisaaan
haku tumanin taladee
taabkaad ku haysaa

inanyahay tabaalliyo
taariikhda biisoo
kugu tacab khasaaree
taladeenii adigaa
tuuraha ka yeeloo
tartarada ka jabiyo
taahaan qarsanayaan
taataabanaysaa
tooobiyayso inanyahay
tashi iguma laabnee

tiiraanyadaasiyo
taahu aniga maahee
tu kalaad u hadaftee
waxaan ahay tilmaan dheer
tii aad la socottee
tuhun yuu ku qaadine
toorhan aad haysiyo
tanba maan filaynee
ha ku tumanin taladee
taabkaad ku haysaa

talo kuu jideeyoo
kuna taakuleeyoo
adiga iska tuuroo
tawdaan is baranaa
taydii ilawdoo
tukalow u raacdee
tuhun maahoo sheekhi
waadigii la taagnaa
toobiyayso inanyahay
tashi iguma laabnee

Exit mobile version