hadii galalooy aniga
hadii gacalooy adiga
hadii guulaha illaah
isugu keen daro calaf
hadaad gurigayga timi
ood noqoto ooridayda goba
farxad laalama gaabsadeen
allihii igu kaa galaday
intaan mahad gaara u noqo
sujuud loo gali lahaa
guniyo baar eheladeen
wixii waalidkeen u gaara
sharafta waan garan lahaa
gacmahaan kugu sidi lahaa
gaadadaan kugu qaban lahaa
bogaan kugu gudbi lahaa
beerkaan kuu gogli lahaa
wadnahaygaan kuu gudi lahaa
ma gaagaxee waa hodmanee
haduu guunyo badan isiiyo
qabriga nabigeenii galiyo
xajkiibaan ku gayn lahaa
abaal kuu gudi lahaa
waliba geeridayda ka hor
kaamaba daba guursadeen

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version