adoo oomane ku dhacay
dhibicdu mar bay kuu da,daa
adoo oontiiba dhigay
dheeftaada mar baad heshaa
adoo dhalan dhool ku jiray
mar baad caashaq dheehataa
dhawaaqa afkayga sudhan
niyadu way iga dhaboo
miduu eebahay dhamaan
dhawrsanaanta asluub
qurux iyo dhaxal galkeed
ku dheehay tilmaamaye
dhambaal gacalnimo ifraax
naftani kugu dhaygagtaa
kuu dhiiibatee jacayl
dhankaaga maxaan ka fili

adoo xidigaagu dhacay
dayaxu marbuu kuu dhashaa
adose faqri dhiban ku helay
dheemana mar baad heshaa
adoo dhalan dhool ku jiray
mar baad caashaq dheehataa
dhawaaqa afkayga furan
niyadu way iga dhaboo
miduu eebahay dhamaan
dhawrsanaanta asluub
ku dheeho tilmaamaye
dhambaal gacalnio ifraax
naftaydani kugu dhaygagtaa
kuu dhiibatee jacayl
dhankaaga maxaan ka fili

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version