dhabarka iyo laabtiyo
dhinaca wadnahaban
dhamac kulul ku beerto
dhaawacbaan qabaa

ogow lay la aanta
dhulka ila wareego
cirka ii dhawaaqo
ka dhawrsanmaayo

wada dhalashadeeniyo
dhiigeena eego
dhibaatadan i haysa
kolay dhiiga dhaqaaqi

dhankasta oo la eegaba
dhaayaha u rooney
waxaan kuugu dhegayaa
wada dhalashadeeni

Exit mobile version