horjoogiyo jaaha
hobaanka sideeda
horaandada taagan
habuunta kulaaban

halacsiga muuqa
naftaydu markaay
hubsiimo la aan
hawaawi ku raacday

ayay bilicdeeda
markaan hanbalyeeyay
inaan kugu boobay
hadaan is ogaaday

huqaadkiyo sheeka
markaad ii horjoogto
hawraarta sideeda
hasaawaha qeexan

Exit mobile version