caashaqaa i jiidh guray kula daba jarmaadoo
ii juuqi waydoo ii juuqi wayday ma jarbaa inakala
xidhay
ma jilaw qadhaadh iyo wax jidiinku diidiyo
jiro laga baqaan ahay
sidaad iiga jeedaa jaha gudubta keentee
ka jawaab su aalaha

maba jiroo aduunyada jiidh ii damqanayoo
ii jidhiidhicoodaa wax i jecelna maan arag
farasaan jaree idhi ii joogsan waayoo jarbuu
igala boodee kaaguna haduu jabi maxaan
kuugu jixin jixi anba way iga jiiftaa

lama jaroo qof kula jira jiidh kula walaalo
kuu jeelanbaan ahay ana jiibta iga maqal
onkodkaba jirbaa dhala jeegaani waa midab
dhaayuhu jaleecaan
adna jooga quruxdaa jalka igu abuuree
waxaan jirin miyaad tahay

jilbiskaa qaniinyada intuu kuula jiibsado
kugu jiida micidee sowdigan jidhka i saray
adoo jaah wareer qaba sowkan jeenigaagii
jagaad iyo xas kula galay
qalbi kaa janjeedhaa waxan jirin ku daashaye
jidku yaanu kaa lumin

Exit mobile version