VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Damiirkii ku caashaqaa - Lyrics

da dii inankaan ka doortow dareenkaa kula socdoo damiirkii ku caashaqaa wanaag kuu diidayo kula daba socde qalbigu kuu doonayow indhuhu kaama daalayaan dugsaan kuugu baaqayaa hadaan wada dagi lahayn jacaylka daadihin lahayn dadkaan u horeyn lahayn dawaan yeelani lahayn maruun diid mada iga daa adoo dumarka ugu mudanoo waliba dahabiyo xariira qalbigu diidayee dagaal la ila beegsadiyo dabinbaan ka cabsoonayaa iddaa waxan nahay laba kala dayranoo darajada kala fogoo duruufuhu kala xidheen hadaan kula dagi lahaa jacaylka daadihin lahayn danbaa ii run sheegtayoo naftaan dhib u diidaya halyaygaan doonaayee dabayshiisii ha i martoo balaa igu kaa dirtoo dugaag iiga kaa dhigtee halkuu dabku kaaga baxay iblays la inagu daraa ducada kuu diidayee dugsaan kuugu baaqayaa adoo darajiyo wanaag mudaba ila doonayoo warkaagani daacad yahay xumaan kuuma diidaye digtooni horaan qabaa caroos aan lagu ducayn dabkiisu ma waarayee dhib iyo daal ha ina galin
Queue is empty
-- / --