sida dhibic mahiigaan
oo maalin wayn da,ay
deeq loo mashxaradiyo
moosyada xareed dhiga y
milicdiina qabatooo
biyahoo muraayada
milicdii hadhkaagiyo
geeduhu ka muuqdaan
midabkaagu ii noqoy
kuuna maan wareeree
magaceedu noo yimid
lagu muranyee ma adaa?

inanyahaw mirtii dhexe
dadku mila ay seexdeen
inta soo mushaaxee
isku kay maldahayee
meehanawga caashaqa
jidka haatan loo maro
gees uga majiirtay
maskaxdii duleediyo
maamuusay dhaqannkii
madaxwaynihiisiyo
maareeye soo diray
lagu muranyee ma adaa?

guur waa mar dhoofiyo
mid lagu midtadiyoo
maareeyaheedii
uu xidhay mareegtii
warlay mutihiyoo
dhegtu maqasho moooyee
geees uga majiirtee
anigoon micnaha garan
muxibadu i saaqdee
kuna maan wareeree
magaceedu noo yimid
lagu muranyee ma adaa?

wehel buu miciiniyo
ishu macalin weeyee
muuqaasha aragiyo
wejigan il idhiqsaday
naftu kaama maagani
way kuu mashxaradooo
maaassaar qabaw iyo
farxad igu muquurtee
waxaan kaa mashiyayaa
mawlaha baryayaa
magacaan ku dhaartiyo
inaad maahir noqota

Exit mobile version