waheey caashaq waa
wad laso diro
filo waano iyo
kuma tago wax sheeg
kama baxo wadnaha
warankana ma dhigo
wiil iyo gabdhana
wuu wada maraa
wali way isitaayee
waalidan jacaylkiyo
ma laguuu waramay

walwal iyo dhibaa
i wadaagayoo
laba wada dhashiyo
wehel kaan ahee
ma walaalkaybaa
ma wax waashaybaa
wiiqmayoo dadkuna
way igu wiirsadeen
wali way isitaayee
waalidan jacaylkiyo
ma laguuu waramay

Exit mobile version