1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Aduunyadu waa sidee
Xagee saacaloo u wacan
Golaha lo seerayaa
Samaan waa laga tago
Xumaanbay sahamisaa
Si ay noqon lama yaqaan
2x
Sasabo suul dhabaala iyo
Sabaalaa lagu wadaa
Inay saxmi waa da,moo
Mar uun salka dhigatayee
Anoo saynabay ku nicin
Si weynbaan ku jeclee
Si weynbaan ku jeclee
Salaan wacan iga gudoon
2x
Aduunyadu waa socdaal
Sanado lagu noolyahoo
Safarbaa lagu jiraa
Saadasheedu way fogtoo
Sidaad doonto lama heloo
Silsilad weeye taxanee
2x
Sasabo suul dhabaala iyo
Sabaalaa lagu wadaa
Inay saxmi waa da,moo
Mar uun salka dhigatayee
Anoo sahaloow ku nicin
Si weynbaan ku jeclee
Si weynbaan ku jeclee
Salaan sharaf iga gudoon
2x
Ninkii sarar dheer lihiyo
Sabool danyaro waxay
Rajada waa u siman yihiin
Sadkana calafbaa ka badan
Hadaan mawdku soo horayn
Sirteedana lama ogee
2x
Sasabo suul dhabaala iyo
Sabaalaa lagu wadaa
Inay saxmi waa da,moo
Mar uun salka dhigatayee
Anoo saynabay ku nicin
Si weynbaan ku jeclee
Si weynbaan ku jeclee
Salaan wacan iga gudoon
2x
Abaar soomalhaada iyo
Ogow seerma weydo roob
Naflaha uma wada sinee
Marbay subag iyo labeen
Ku siisaa sooryo wacan
Marbay kugu sahan tahee
2x
Sasabo suul dhabaala iyo
Sabaalaa lagu wadaa
Inay saxmi waa da,moo
Mar uun salka dhigatayee
Anoo sahaloow ku nicin
Si weynbaan ku jeclee
Si weynbaan ku jeclee
Salaan sharaf iga gudoon
2x