bishaarada lagu farxiyo
bidhaantaan weheshadoow
bu,dii indhihiyo bogiyo
adaa beerkaba ku yaal
axnaanada caashaqoow
adaa badankiyo qalbiga
jacaylka ku beerayooo
adaan kuu baahanoo
naftayda bogsiin karee
cabdow balantii adkee

bishaarada lagu farxiyo
badhaadhaha kalgacalkoow
bishi dhalatoow adaan
abaal badan kuu hayaa
amaankii buuxiyoow
adaa bini aadanimo
laabtayda ku baahayo
adaan kuu baahanoo
naftayda bogsiin karee
cabdow balantii adkee

Exit mobile version