jacayl waan ka fiigoo
fidnadiisa caashaqan
farahaan anigu ka qade
waxaa keenay fogaanshaha
fajacuu i baday iyo
kalgacaylka fududee
yaa faraqa ii sudhay
waa lagu fidmoobaa
arinkaa furfuratiyo
reer fudaydka lagu galo
adigoon ka fiirsanin

foolxumada guurkiyo
fidmadiyo waxyeeladan
farahaan anigu ka qaade
inaan kali u foognaa
naftu ay ku faraxdaa
ficilxumada diidaa
aayaha ka fiirsado
waa lagu fidmoobaa
arinkaa furfuratiyo
reer fudaydka lagu galo
adigoon ka fiirsanin

Exit mobile version