cil muxuu i baday iyo
cuqdadad aan dhamaanayn
cidlo uu i taago
dadkii waa colownee
jacayl waa cadaawoo
hurdo waan ka caagoo
xalay gogol colaadbaa
waagu ii cadaadee
boodhaari kii cigaybaa
cunaha iga haystee
wadnaha caaradiisa
dhiiga iga cabayaa

bal inuu i caawiyo
cishqi aan wadagnoo
caadi maaha xaalkuye
cabashaan u shegtee
caaadil baan ka tuuugaa
calaf inaan wadaagnoo
farxad aan ku ciidno
nabad aann ku cawaynoo
boodhari kii cigaagaa
cunaha iga haystoo
wadnaha caaradiisuu
dhiiga igga cabayaa

Exit mobile version