maamuuska sharaftiyo
milgihiyo dhaqankaba
midi lagu manaystaay
macbuudkaa quruxdiyo
maskax gaara siiyee
marwo lagu majiirtaay
milicsigaaga eegmada
jacayl i dhex maquuree
waa maalmo duniduye
aan wada mushaaxnee
midhihiisa guranee
midigtaada ii dhiib

mudnihii aqoontiyo
madhaafankii ragee
murti eebe siiyaw
muujiyee ka lexane
midhkii u lahaayee
maldahee sarbeeboow
macaaneeyay sheekada
caashaq ii malxiistee
waa maalmo duniduye
aan wada mushaaxnee
midhihii guranee
mawle ha isku ken simo

hadal waa midkaa tidhi
ana maagi maayoo
meermeerin maayee
ma maqnaan karaayee
marna maarmi maayee
mudan aragtidaadi
muunadaada wacanbaa
muxibooy igu abuurtee
waa maalmo duniduye
aan wada mushaaxne
mirihiisa guranee
midigtaada ii dhiib

anaa kaaga marag kacay
inaa tahay masuul
madal rag isku arkiyo
mawlac diintu taaliyo
marinkii hagaagsani
ka maqnaaninoo
mufti iyo mideyoo
maxastana dareeloow
waa maalmo duniduye
aan wada mushaaxnee
midhihiisa guranee
mawle ha isku keen simo

Exit mobile version