VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Beerqaad - Lyrics

Haduu beerku qaybsamo Badh baan adi ku siin lahaa Wadnahayga bidixdana Waan kuu bedeli lahaa Kaagana waan la bixi lahaa Waa booli dhiiguye Kaalamaan bakhayleen Nafta laba bahood noqon Badhkaagaan ku siin lahaa Biyo haddaad cabaysana Bisinkaan ku dari lahaa Bedenkaago faatoxo Bohod baan uga dhigi lahaa Illaah waxan baryaayaa Aduunyada badhaadhiyo Barkhad inaad ku waartoo Aakhirana bishaariyo Janada inaad ku barida Indhahayga baalkiyo Budu daan ku dhigi lahaa Sanbabkayga bilan baan Badhtankiis ku gelin lahaa Bacda dhegaha maqalkaan Xubka kuugu qarin lahaa Waxan beeri lahaa ubax Soo bixiyay caashaqa Habeenkii bogaygaan Iigu beri ku odhan lahaa Kolkaan soo baraarugo Bishaaraan ku siin lahaa Bidhaantaada araagaa Bil khayr ugu ducayn lahaa Illaah waxan baryaayaa Aduunyada badhaadhiyo Barkhad inaad ku waartoo Aakhirana bishaariyo Janada inaad ku barida Waan baga bagayn lahaa Kuu luli lahaa balag Bila deyaan sidiisaan Kuuu daawan lahaa bilic Beeryarada oloshaan Biyo sii ku odhan lahaa Sida boga dhayihii Waan kugu bogsoon lahaa Had iyo jeer bariidada Kaalamaan baydheen Biyo haddaad cabaysona Bisinkaan ku dari lahaa Bedenkaago faatoxo Bohodbaan uga dhigi lahaa Illaah baryaayaa Aduunyada badhaadhiyo Barkhad inaad ku waartoo Aakhirana bishaariyo Jannada inaad ku baridaa Qalbigayga bilan Baruur kaaga dhigi lahaa Caqligeena badan baan Isku wada badhxi lahaa Belaayada xijaabkaan Burda kaaga celin lahaa Bohal yoow kalgacal baan Berisada ku tebi lahaa Riyadaan habeen barad Bacle kuu tumi lahaa Barbaarta u horee baan Bilcaaneey ku odhan lahaa Bidhaantaada aragaan Bilkhayr ugu ducayn lahaa Illaah waxan baryaayaa Aduunyada badhaadhiyo Barkhad inaad ku waartoo Aakhirana bishaariyo.
Queue is empty
-- / --