VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Beerqaad mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Faarax murtiile
Beerqaad

Haduu beerku qaybsamo
Badh baan adi ku siin lahaa
Wadnahayga bidixdana
Waan kuu bedeli lahaa
Kaagana waan la bixi lahaa
Waa booli dhiiguye
Kaalamaan bakhayleen
Nafta laba bahood noqon
Badhkaagaan ku siin lahaa
Biyo haddaad cabaysana
Bisinkaan ku dari lahaa
Bedenkaago faatoxo
Bohod baan uga dhigi lahaa
Illaah waxan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Janada inaad ku barida

Indhahayga baalkiyo
Budu daan ku dhigi lahaa
Sanbabkayga bilan baan
Badhtankiis ku gelin lahaa
Bacda dhegaha maqalkaan
Xubka kuugu qarin lahaa
Waxan beeri lahaa ubax
Soo bixiyay caashaqa
Habeenkii bogaygaan
Iigu beri ku odhan lahaa
Kolkaan soo baraarugo
Bishaaraan ku siin lahaa
Bidhaantaada araagaa
Bil khayr ugu ducayn lahaa
Illaah waxan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Janada inaad ku barida

Waan baga bagayn lahaa
Kuu luli lahaa balag
Bila deyaan sidiisaan
Kuuu daawan lahaa bilic
Beeryarada oloshaan
Biyo sii ku odhan lahaa
Sida boga dhayihii
Waan kugu bogsoon lahaa
Had iyo jeer bariidada
Kaalamaan baydheen
Biyo haddaad cabaysona
Bisinkaan ku dari lahaa
Bedenkaago faatoxo
Bohodbaan uga dhigi lahaa
Illaah baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Jannada inaad ku baridaa

Qalbigayga bilan
Baruur kaaga dhigi lahaa
Caqligeena badan baan
Isku wada badhxi lahaa
Belaayada xijaabkaan
Burda kaaga celin lahaa
Bohal yoow kalgacal baan
Berisada ku tebi lahaa
Riyadaan habeen barad
Bacle kuu tumi lahaa
Barbaarta u horee baan
Bilcaaneey ku odhan lahaa
Bidhaantaada aragaan
Bilkhayr ugu ducayn lahaa
Illaah waxan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo.

codkii Faarax murtiile, Ilwad England