Inaan Hurdo Seexan Waaye
inaan Aawada Hadraayo
harki Inaan Ku Bahoowo
miyaad Hodaneey Ogtahey
Haayee Kow Dheh Hanadow
waayahee Ii Wad Hodaneey

(((Faaduma))
Inuu Habsamaayo Dhiigu
inaan Halista Iyo Wadanaha
halbowle Inaad Ku Taalo
miyaad Hanadow Ogtahayee
Waayahee Kow Dheh Hodaneey
Haayee Ii Wad Hanadoow

((Mukhtaar))
Inaad Qurux Ugu Horeeyso
hablaha Kale Inaan Kabeyro
horta Caashaqu I Helay
miyaad Hodaneey Ogtahay
Haayee Kow Dheh Hanadow
waayahee Ii Wad Hodaneey

(( Faaduma))
Markuu Qalibigeyga Hiiray
markuu Ku Habsaday Jaceylku
inuu Xidada Harsaduu
miyaad Hanadoow Ogtahayee
Haayee Kow Dheh Hodaneey
waayee Ii Wad Hanadow

(((((Mukhtaar)))
Markaan Kaligey Hugmaaye
adoo Maqan Aan Hadraaye
hortiga Hadan Ka Muuqde
miyaad Hodaneey Ogtahay
Haayee Kow Dheh Hanadow
waayahee Ii Wad Hodaneey

(((((Faaduma))))
Hadeey Kuu Hillaan Cadaawe
inaan Kuu Hiilan Lahaa
nafteyda Huri Lahaaba
miyaad Hanadow Ogtahay
Haayee Kow Dheh Hodaneey
waayee Ii Wad Hanadow. By dayran omar

Exit mobile version