BIlowgiisii jacayl
Adaa beerayee
Boogta iyo xanuunka
Baashe iga dawee

Boga iyo wadnaha
Adaa buuxiyee
Bar barkaad xigtaa
Huunoow baafiyaa

Bartii loo bogiiyo
Baxsanoow dalkii
Aroos kula baryaa
Aan bogaadin lahaa

BT JX KHD BT JX KHD BT JX KH D
====================

Barashadii cishqiga
adaa beerayee
Boqor keygiyoow
Baylah igaba dhowr

boondheera iyo
Barxaddii dayniinle
Buuloxuubeey dhexdeeda
Maku bayd galnaa

Bushigaan cishqiga
Baanteedi tahay
Boga igu qaboo
Ila bood ciyaar

BT JX KHD BT JX KHD

QORE FADUMO SHIINO

Exit mobile version