aduunyadu wey ragaadaye
wakhtigu wuu raad cad yahay
runtii been baa dumashay
rasuulku siduu judeyay
wadaadadii raadin jiray
caligii way daadiyeen
kitaabadii way roogee
gayaankii looba roona
xishoodkii waa lararaye
raxmaanku haynoo sakhiro
ragiyo dumar laysma dhaamo
riyaa lagu wada jiraa
aduunyadu way rafaadaye
rumaanbaa lagu rigrigaye
wanaagii reeban noqonaye
samaan iyo raadinteeda
dadaan rabinba dhashoo
xili raaxada jeclaa
rasaasbaa lagu jalaa
xalaaliyo reerkudhiqii
ribaa jecel yahaye
raxmaanki haynoo sahlee
rag iyo dumar laysma dhaamo
riyaa lagu wada jiraa

Exit mobile version