Jaceyl kula tolmaahee
Tagoogyaha ma jabiyoo
Intuu tiirka dhabarkiyo
Isku taxay lafaha kale

Ma i turuntureeyoo
Ma ii tuuray jilibkoo
Ma iskay dul taagoo
Ma i yidhi car soo toos

Markaan idhi maad iga tagin
Tamar bay run sheegtee
La ii xeytay turuqoo
Wali ma i tirsanayaa

Jaceyl kuuma tudhayee
Intuu teedka feedhaha
Mid mid uga talaabsaday
Ma tantoomay oofaha

Ma tigtigay xubnaha oo
Ma talamay wadnaha oo
Halistii ma taaboo
Sanbabada ma u tagay

Markaan idhi maad iga tagin
Tamar bay run sheegtee
La ii xeytay turuqoo
Wali ma i tirsanayaa

Jaceyl may taxaaboo
Keymihii taleexiyo
Tajad ma ila tagayoo
Toori ma iila soo baxay

Ma tabaabushaystoo
Tunka ma iga fuuloo
Waa tabaadi xooglehe
Ma ila dhacay tib iyo dhagax

Markaan idhi maad iga tagin
Tamar bay run sheegtee
La ii xeytay turuqoo
Wali ma i tirsanayaa

Exit mobile version