filka aynigaagiyo faca aad la nooshahay
qurux iyo fariidnimo allaa kaa fadiday edab
ana fiira eegmadaa igu mudan falaadhii
fiid aragtidaadii uurkayga falatee
kalgacaylkan iga furan maad igu furdaamini
mise faraska caashaqa maad fuulin waligaa
fidmadiisa caashaqu waa sida folkaaniyo
filanwaaga duufaan wadnahaaga foogmee
ana foorame tibaduu intay fidisay dhiigiyo
qalbigay ku faaftoo feedhahayga damaqdee

Exit mobile version