dabaylihi isiday
markay ila durkeen
daruuraha i geeyeen
darbadihii rogmanaayiyo
duufaantan dhex galay
dalcadahaan ka dhacay
diiradaydii caashaqa
halkii aan ku dayay
ee aan daneeyay
markaan dagay dugsigii
darmadii aan dhigay
sidaan doonahayee
dudadii ma godladin
damqashadaa sidiibuu
dabku iigu baxaya iyo
idaaya ha idilee idaaya
ha idilo jacaylkuye

daqarada naftaydiyo
hadii aan dimirkiy o
diiftu aan ildaranahay
dambarsaday lugooyada
doqon ruuxii weheshada
cidluu dugaag ku cunay
damaciyo nasiibkuba
dookhayga yaabka leh
kii aan dalbadayee
markaan dagay dugsigi
darmadii ag dhigay
sidaan doonahaye
dudadii ma goglane
damqashadaa sidiibuu
dabku iigu baxaya iyo
idaaya ha idilee idaaya
ha idilo jacaylkuye

Exit mobile version