hankiyo qalbigaa dagaalay
hoheey anigaa is hiifay
habeen qudha kuma rabee
naftan ka hadh bay tidhaa
go,aankuna ma hirgaloo
hadhaw baan raadiyaa
ileen in laguu hilooboo
humaagiisana yaqaan
ayay u hamuun qabaan
hadaan hoobaan kalgacal
hagaag la iskula gurayn
hantaaqo anay i gaadhay
hawaawi muxuu taraa

wadnaha i hogaaminaaya
heshiis la gal buu yidha a
jacaylka hab buu yidhaa
sidii hooyadii hanqari
isna ima eegoo oo
ilmadaa iga hibiq tidhaa
ileen hawshiisa maahoo
anigaa hurdadii ka quustay
qalbiga haar buu ku yeelay
hadaan hoobaan kalgacal
hagaag la iskula gurayn
hantaaqo anay i gaadhay
hawaawi muxuu taraa

Exit mobile version