barwaaqada ciida booramee
badarka ka baxaaya beeraha
babayga ku yaal bustaanada
biluhu kugu hooray buuraha
budooda indhaha ubaxa bila
bilicda quruxdiyo bidhaansiga
naftaa u buseeshay boorame
baradii cilmigee bariga afrikaay
bay,adii raxmadiyo baladkii nabaday
booramaay barankiyo badhaadha iyo
balaayada baal llaagaa mari

guyaal baxasanoo la beegsado
taariikh bandhigaysa baal dahab
balwadii iyo baa qiraysa
baradii dhaqankaay barbaariya
rugtiii boqoradaay baxnaaniya
barbaarta xulkiyo bulshadaa wacan
naftaa u buseeshay boorame
baradii cilmigee bariga afrikaay
bay,adii raxmadiyo baladkii nabaday
booramaay barankiyo badhaadha iyo
balaayada baal llaagaa mari

Exit mobile version