Gardaranaa jacayl
Ruuxuu dabar kuxiray
Ku durdurin ogaa
Damaciyoo dhib badanaa

Ma daruur hillaacdiyoo
Dabayl roob jida wadabaa
Xagguu igaga dagay
Iga daaray caashaquu

Caway iigu darantahoo
Dabinkiisii aan galay
Naftu doono keey tiri
Alloow iigu deeq
Ama iga dabiib

Gardaranaa jacayl
Da deey waa ka tagay
Ma daneeyo cuntadaa
Qalbigiyoo wadnuhuu idagay

Ma daluul gubtaa iyo
Ama dayr abaareed
Siduu iigu dagay
Ii doorshay caashaquuu

Caway iigu darantahoo
Dabinkiisii aan galay
Naftu doono keey tiri
Alloow iigu deeq
Ama iga dabiib

Exit mobile version