daawanaayoow waa dalkaagee dariiq loo dhisaaye
marna waa dambi dhaafoo
deeq ku taala daarta aakhiro weeye
dar alle hala bixiyo duunyada wadada dawga cadi
doc kastaba waa danteenee haloo soo dadaalo

hooy dakaygoow lasoo dadaalo

wadarta isku duuban ayaa dal dhistee
marna waa da,yarteenoon
duug u reebno aayahooda dambe
dar allee hala bixiyo duunyada wadada dawga cadi
doc kastaba waa danteene haloo soo dadaalo
hooy dadkaygoow haloo soo dadaalo

dalcad iyo naslad baa gaadiidkii dirgan waayoo
dooxyo soo rogmanaayaa
dadka qaadoo dalka loo mari waayee
dar allee hala bixiyo duunyada wadada dawga cadi
doc kastaba waa danteene haloo soo dadaalo wadada dawga cadi
hooy dadkaygoow haloo soo dadaalo

waa dariiqii dahabkiyo macdanta dallka hooyo
marna waa dariskeena
dalxigaalka jabuuti dawgii loo marayee
dar allee hala bixiyo duunyada wadada dawga cadi
doc kastaba waa danteene haloo soo dadaalo
hooy dadkaygoow haloo soo dadaalo

Exit mobile version