show liida caashaqa
show laabta ku hayee
lulumaha sidisii
show laydha raacdee
adaa lumayee eegmada
show libin dhan moodee

ladi waa haldhaaguba
intuu laacu muuqdee
anna laanta ubaxa
adaan kuu lulayaa

show looli dheer baa
show lahasho doonee
caashaqa lurkiisii
show maan lixaad gabin
adaa lumayee eegmada
show libin dhan moodee

ladi waa haldhaaguba
intuu laacu muuqdee
anna laanta ubaxa
adaan kuu lulayaa

Exit mobile version