ilayskiyo nuur iftiinka baxaya
aduunyada gaadhay ma adigaa
ashqaraaray yaabka
amakaagay quruxdee
iga hoo ubaxa iga hoo
adanku adeecay ku aaminay cashag
uur nugayl kuu ahaaday ildoogsay maantee
caashagu ha istaago
abaqaal ha ahaado
fuaad iga hoo ho ubaxa iga hoo
hadaan aqalkaaga hawaare kataago
hargaysana aadno ila xidh usamayno
hirdaha jigjiga iyo xamarna ku aroosno
intaasi maku deegday
ceelbuur agtiisi garame aagiisi
jabuutina aadno haduu alalaasko
soomali adikeed itaasi isku raacdo
ala ilahee waad ideegday
ajiibay jacaylka ogaaday dhankaaga
qalbigaa ulanaaya ag joogiyo muuqa
ayaantaan kuwaayo nataa iqranayso
jacayl la ilmaysa jacayl la ilmaysa
marnaba ma iloobo ayaan kama guuro
maankayga agtiisa adaroos kalgacayl
abaabulka caashag indhu eegmadaada
xubiga u ilmeeye xubiga u ilmeeye