Sidaan ahay Beer wax dhalay
Beryana Curadkiisi tabay
Kabadoo ay indhuhu basaaseen
Aawadii ayaan boholyoobayoo   X2

Beryana wey igu fogtahee
Inaan ku baxnaaniyee    X2

Badaa ina kala xidhee
Ha beynin wacadkiyo
Besteey baan weli ahee
Ha moodin inaan bogsaday   X2

Bidhaan Quraxoow Adi dartaa
Hurdaba bogan waayayoo
Jaceylkii Boodhari diliyo
Kalgacal aan iga ba’eyn
Ayaad igu beertayoo    X2

Barta wadnaha adigaa ku yaal
Bogana waad suran tehee   X2

Badaa ina kala xidhee
Ha beeneyn wacadkiyo
Bisteey baan weli ehee
Ha moodin inaan bogsaday   X2

Exit mobile version