Duul wada Dhashaan nahay
Dal qudhayni wada naal
Dabuubiyo odhaah qudha
Duul soomaali baan nahay
Maxaa laysu dilayaa
Laysu dabar jaraayaa
Dagaalada sokeeyaha
yay yay dani ugu jirtaa
In Qabiilku duli yahay
Qabqabluhu dijaal yahay
shacabkuna il daran yahay
Alla ma cid bay ka dedan tahay?
Daa,in idinku dhaarshee
Diinta soo xasuustoo
Danta nabada doona
War dadka nolol u raadsha.

Duul geedka damalka ah
Doonyeesta baan nahay
Daris iyo walaalnimo
Dad islaama baynu nahay.
Maxaa laysu dagayaa
Laysku daba marteeyaa
deydeyga iyo dadqalatada
yaa doortey kaligii
dagaal ooge nacab yahay
dooral qaate duli yahay
shacabkuna duleed yaal
ma cid bay ka dedan tahay
daa,in idinku dhaarshee
diinta soo xasuustoo
danta nabada doona
war dadka nolol u raadsha

Exit mobile version