horaan kuugu daalee
ha i dagin jacayloow
anigoon digniin qabin
ha i saarin doonyaha
duufaanka caashaqu
duulduulaami laaye
cagta ii dhig dookhyow
lahashooyna ha idiln
ilayn ruux dareenloo
damqanaayabaan ahee
deel qaafka iga dhowr
horaad iila daristee
ha i dardarin jacaylow
ha i dagin sidaadii
dabinaad hagoogto
dusha sare caleeniyo
ubax aad ku daadiso
kurbadaan dadoon jiray
dib ha iigu soo celin