jacaylkaygu dookh weeye dareen iyo kal gacal weeye
daacad iyo is fahan weeye dulqaad iyo xushmayn weeye
damal la hadhsadaa weeye
kaan dooni ji jiray weeye day dayi jiray weeye
aan doortay kaligiina dadna iiga gooniya

ii dabacsanow jeelo soo durug macaanowna
aan is daawane kaalay ina daadahee huuno

jacaylkaygu dahab maaha doolar iyo xariir maaha
dabaqiyo fooq maaha darajo iyo xil wayn maaha
damac iyo hunguri maaha
midaan ii darayn weeye dadka iigu jecel weeye
mid dantayda jecel weeye dadnimo igu raba weye
dayax iyo cad ceed weeye dur dur iyo xareed weeye
aan daawadaa weeye

Exit mobile version