Ma anniga la ii dagaa
Lay duur xulaa
Hadba shax yar la ii dagaa
Ama la ii ilduufsadaa

Waan ku doonayay miyaa
Marna anniga la ii dagaa
Dugsigaygiyoow Miyaan
Laygu kaa diri karaa

Ma annigaa la ii dabaa
Lay dabaal joogsadaa
Hadba dabin la ii dhigaa
Dabay la iga raaridaa

Waan ku dortayee miyaan
Dire diradaha kuu maqlaa
Dugsigaygiyoow Miyaa
Laysku keen diri karaa

Exit mobile version