laba yohow mataanoobay muhashada jacaylkiina
mudo aan sugaynayba idinkoo is moogaa
hadii miida loo dhigo malabkii la soo jeentay
mahad eebe weeyaane ka maqsuudnay guurkiina

ma ogtahay caloow heedhe marwadii asluubtiyo
muuqiyo hanaankiyo miirkiyo xishoodkeeda
milki inantii loo siiyay hadaad maanta hani hayso

kalgacayl macaankiisu nasab iyo caruur weeyaan
minan lagu dagaa weeyaan maamul lagu dhaqma weeyan
magacaan lumayn weeyaan arag weeyaan taariikhdu
maankiyo quluubtiina kalsoonida ku meegaagan

ma ogtahay hani heedhe mudanihii asaagiin
miisaan hab dhaqankiis maskaxdiyo aqoontiisa
mane eebe ugu deeqay

Exit mobile version