Hoodaala mooyee
hilba cidi ku siisaa
hanadoo dhibatiyo
hamuun kaam reebee

heenta iyo maalkuna
hida dhaxala maahee
har wareega weeyoo
la helaa la waayaa

Habaka caashaqeenuna
haruub caano lagu shubay
oo ilaabaha u heelani
wad heesta weyaan

Nafta kuu hibeeyoo
hadafkeenu waataan
horay kuugu racaoo
hanti kuguma naci karo

hiyigaba aduunbaa
hadba kug hayaayoo
hareertaada midaan dhigo
hamigu ima siiyee

himiladeydu waxee tahay
hada iyo hadhowtaba
ila hogosha roobkee
u haraadan baa tahay

habaka caashaqeenuna
haruub caano lagu shubay
oo ilaabaha u heelani
wad heesta weyaan

nafta kuu hibeeyoo
hadafkeenu waataan
horay kuugu racaoo
hanti kuguma naci karo

Exit mobile version