maxaan caradii gobtiyo
curadii dhaqankiyo fankaay
maxaan kuu calool samaa
waliba ka jeclaa cindiga
inaan cagta soo dhigoo
carfiga laydaada wacan
inaan ku caweeyo rabay

cashiiro dadkaan ahayn
dadkuu cadku iigu yaal
dadkaan kolba cayn ahayn
calool iyo uur fayow
warkooduna uu cadyahay
caradii lagu beerayeey
hargaysaay ciil ha mudan

afrika cidhifkeeda bari
cadceeda ka soo baxdee
aduunka ka caan baxdaay
rugtii cilmigiyo hidaha
rugtii diintiyo cisiga
rugtii curashada xornimo
calanka u sidaad tahee
lahaw cudud iyo awood
CAZIIZbaan kuu baryee
nabada ceelkeeda noqo

Exit mobile version