naftaada anigoo habaaya
anoo kugu hadra habeenkii
ayaad igu hawl badnaatoo
hadalka iyo waanadaada
halkaasaa igu cadaatoo
huqdaada igu badnaato
sideen kuu hayn karaa

naftaada anoo hagaaya
anoo caashaqa hilmaamin
hadaan kugu howl badnaado
hibasho aan kugu abuuray
baryahan haleelin waayey
dantaana maan halyne
waxbaa inaga kala hortaagan

ciiliyi hirtaaga ya joogta
marun iyo hiifaan hiifaan dhamaanany
noloshu kuma sii hagaagto
hufnaanbaan doonaya
miyaad ii hogaamin wayday

anuu waan kula hayaaye
hubaal waan ku aaminaayo
runtii waan kuu hanwaayne
adoo haatif u dhawaaqo hubaal
mala awaal rumaystee

Exit mobile version