Bashiiroow bashiiroow bashiiroow
Noloshaydii baad tahay
Ana naawilaayoon
Aan u dhago nuglaadee
2x
Noolaha Dhamaantood
Nolol kaan wadaagnee
Nasiibku I siiyiyoo
Waxa tahay naftaydii
2x
Aayihii naftaydoo
Nasiir kuu I siiyoo
Aan nolol wadaagnee
Ila naaxi ila naaxi caashaqa
Aan nolol wadaagnee
Ila naaxi caashaqa
2x
Bashiiroow bashiiroow bashiiroow
Nacab xaasida jira
Jecel nabaradeeniyo
Neceb wada jirkeenee
2x
Nuxnuxlaha warkiisiyo
Gara naar afuufkuba
Inuu yahay naxuusiyo
Nadab guurka caashaqa
2x
Aayihii naftaydoo
Nasiir kuu I siiyoo
Aan nolol wadaagnee
Ila naaxi ila naaxi caashaqa
Aan nolol wadaagnee
Ila naaxi caashaqa
2x

Exit mobile version